WAXQABADKA JAMCIYADDA

Waxaa la'orankaraa waxa ugu wayn ee jamciyaddu ay qabatay waa aas aasida jamciyaddaan barakaysan lafteeda iyadoo ilaaha (s.w) nagu galadaystay najixida wax qabadka jimciyadda haday noqon lahayd gudaha iyo haday noqon lhayd dibadaba waxaanu wood uhelnay inaanu samayno wax qabadka looga bartay jamciyadaha noocaan ookale ah iyo mid kabadanba waxaanu kaqaadanay kaalin wax ku ool ah dhanka wax barashada iyo dhanka gar gaarka iyadoo ay maqanyihiin hay'adihii xukuumada oo uqumi lahaa hawlahaas aanu soo sheegnay uuna dumay dhismihii hoose ee dawlada sidaas
jimciyaddu waxay awood uyeelatay inay ka ciyaarto kaalin lixaad leh intii karaan keeda ah sidii ay wax uga qaban lahayd arimahaas
shaki kuma jiro inuu noqonaayo jiritaanka jamciyaddan iyo kuwa kale oo khayriga ah badal buuxinaaya
booskaas banaan oo ay ugu wacantahay dawlad la'aantu iyadoo uu waliba yahay wax qabadkaasi mid kooban maxaa yeelay waxaa aad yar wakhtiga ay bilaabeen jamciyadaha islaamiga ahi wax qabad kooda
jamciyadda al-manhal waxay bilawday wax qabad keeda mudo aan dhaafsiisnayn shan sano waxayna awood uyeelatay ilaahay amaantiis mudadaas gaaban gudaheeda inay aas aasto fulisana mashaariic aad ufarabadan waxayna gaaraysaa tirada mashaariicda ay fulisay jamciyadda al-manhal al-islaami in kabadan 200 laba boqol oo mashruuc waxaana intaas kafaalad qaadida agoonta -ducaada-ardayda iyo waliba daabicida kutubta yar yar ee islaamiga ah ..... intaasi waa war bixin kooban oo ku saabsan waxqabadka jamciyada al-manhal al-islaami maxaa yeelay kuma soo koobi karno halkaan