WARBIXIN KOOBAN

1-Asaaska jamciyadda
waxaa la aasaasay jamciyadda bishii ramadaan sanadku markuu ahaa 1414kii ee hijriga oo kubeegan bishii janaayo sanadku markuu ahaa 1994kii waxay xarunteeda wayni ku taalaa magaalada muqdisho waxay kaloo laamo kuleedahay magaalada boosaaso iyo magaalada hargaysa

2-Faalo gaaban
jamciyadda al-manhal al-islaami waa jamciyad khayri ah oo leh ujeedooyin bani aadaminimo waxayna utaagantahay fulinta mashaariicda khayriga ah sida gar gaarida iyo waxbarashada sidoo kale waxay dadaal dheeri ah ku bixisa fidinta diinta islaamka

3-Meelaha aykashaqayso jamciyaddu
*dhamaan gobolada soomaaliya oo dhan meel kasta oo ay baahidu kajirto ayna awood uhesho jamciyaddu
*waxay kaloo kashaqaysaa meelaha ay joogaan qaxootiga soomaaliyeed kuna dadaashaa badbaadintiisa