WAXQABADKA JAMCIYADDA

Waxaa la'orankaraa waxa ugu wayn ee jamciyaddu ay qabatay waa aas aasida jamciyaddaan barakaysan lafteeda iyadoo Ilaahay  (s.w) nagu galadaystay najixida wax qabadka jimciyadda haday noqon lahayd gudaha iyo haday noqon lahayd dibadaba waxaanu wood u helnay inaanu samayno wax qabadka looga bartay jamciyadaha noocaan oo kale ah iyo mid kabadanba waxaanu kaqaadanay kaalin wax ku ool ah dhanka wax barashada iyo dhanka gar gaarka iyadoo ay maqanyihiin hay'adihii xukuumada oo u qumi lahaa hawlahaas aanu soo sheegnay uuna dumay dhismihii hoose ee dawlada sidaas jimciyaddu waxay awood uyeelatay inay ka ciyaarto kaalin lixaad leh intii karaan keeda ah sidii ay wax uga qaban lahayd arimahaas shaki kuma jiro inuu noqonaayo jiritaanka jamciyaddan iyo kuwa kale oo khayriga ah badal buuxinaaya .booskaas banaan oo ay ugu wacantahay dawlad la'aantu iyadoo uu waliba yahay wax qabadkaasi mid kooban maxaa yeelay waxaa aad yar wakhtiga ay bilaabeen jamciyadaha islaamiga ahi wax qabad kooda .

jamciyadda al-manhal waxay bilawday wax qabad keeda mudo aan dhaafsiisnayn shan sano waxayna awood uyeelatay ilaahay amaantiis mudadaas gaaban gudaheeda inay aas aasto fulisana mashaariic aad ufarabadan waxayna gaaraysaa tirada mashaariicda ay fulisay jamciyadda al-manhal al-islaami in kabadan 200 laba boqol oo mashruuc waxaana intaas kafaalad qaadida agoonta -ducaada-ardayda iyo waliba daabicida kutubta yar yar ee islaamiga ah ..... intaasi waa war bixin kooban oo ku saabsan waxqabadka jamciyada al-manhal al-islaami maxaa yeelay kuma soo koobi karno halkaan .